Safiirka Dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, ayaa maantay Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in looga wada hadlay arrimaha Puntland sida  dimuqraadiyadda, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

PUNTLAND POST