Sadiq Khan ayaa markii saddexaad loo doortay duqa magaalada London

Sadiq Khan ayaa markii saddexaad oo xiriir ah loo doortay duqa magaalada London, ee caasimadda Ingiriiska.

Khan, wuxuu ku dhashay koonfurta London wuxuu ka soo jeeda qoys muslim Pakistani ah, wuxuuna noqonaya qofkii waqtigii ugu dheeraa ku guuleysanaya jagada duqa magaalada London tan iyo 2000.

Markii uu soo galayay siyaasadda sannadkii 2004, wuxuu ahaa qareen, isagoo xubin ka ah xisbiga shaqaalaha ayuu xildhibaan iyo jagooyin kale soo qabtay illaa markii dambe 2015 uu u tartamay jagada duqa London oo uu ku guuleystay tan iyo xilligaana markii saddexaad ayuu qabanaya isla jagadan.

PUNTLAND POST