Ingiriiska oo sheegay in hubkiisa Ukraine ay ku weerari karto Ruushka

Ingiriiska ayaa noqday dalkii u horreeyay ee NATO ka tirsan oo si cad u sheega inay u oggalaanayaan Ukraine inay hubka Ingiriiska ku weerarto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

“Ukraine waxay xaq u leedahay inay hubka Ingiriiska ku weerarto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, David Cameron.

Ruushka ayaa horey uga digayay hubka ay Ukraine siinayaan NATO haddii ay halis galiyaan ammaanka Ruushka inay bartilmaameed sharci ah u aqoonsanayaan dalalka NATO.

Hanjabaadda Ruushka waxay xaddiday bartilmaameedyada gudaha Ruushka ay dalalka NATO horey u oggalaayeen Ukraine inay ku weerarto hubkooda.

Hadalka kasoo baxay dawladda Ingiriiska ayaa sare u qaadaya waxa uu Ruushka ku sheegay daandaansiga NATO ee dabka ku shidaya xiisadda gobolka.

PUNTLAND POST