Ciidanka Ruushka oo gudaha u galay Saldhigii Mareykanka ee Niger

Ciidanka  Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan wasaaradda difaaca.

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka balse ay isticmaalayaan goobo gaar ah oo ku yaalla garoonka Diori Hamani ee magaalada Niamey oo ah caasimadda Niger.

Tallaabadan ayaa daba socota kaddib markii militariga la wareegay xukunka dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger ay ku amreen Mareykanka inuu kala baxo ciidankiisa. Militariga Niger ayaa tirtiray dhammaan heshiisyada difaaca ee u dhaxeeyay Niger iyo Mareykanka, dhammaan saldhigyada uu ka baxayna waxaa la wareegaya Ruushka oo ay markiiba ku xirteen militariga Niger.

Saldhigaan waxaa hada loo arkayaa goobta ugu dhow ee ay ku wada suganyihiin labada ciidan ee cadaawada ugu xun ay adduunka ka dhaxeyso.

PUNTLAND POST