Mareykanka oo Sacuudiga ka taageeraya helitaan Nukliyeer

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis amni oo Riyadh siinaya dabool amni oo ay ku helayso hub iyo in Sacuudiga laga hirgeliyo barnaamij Nukliyeer ah oo uu Mareykanku hoggaaminayo sida ay sheegtay warbaahinta Bloomberg.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay inuu Sacuudiga hoos u dhigi doono adeegsiga tignoolajiyada uu Shiinaha soo saaro.

Sacuudiga ayaa sidoo kale aqoonsanaysa Israa’iil oo ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelanayso taa oo Riyadh ay ku xirtay in marka hore dagaalka Qasa la joojiyo lana billaabo hannaanka lagu dhisayo dawladda Falastiin oo madax bannaan lana aqoonsan yahay.

PUNTLAND POST