Ruushka oo weerar ku qaaday magaalada Odesa ee Ukraine

Ruushka ayaa saacadihii u dambeeyay weerarro is xigxigay oo uu adeegsaday gantaallo ku qaaday magaalada dekedda badda madow ee Odesa, halkaa oo ah magaalada ugu muhiimsan ee guud ahaan Ukraine ee la filayo inuu dabayaaqada sannadkan Ruushka ku qaado duulaan uu isku dayayo inuu kula wareego.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay weerarradii u dambeeyay inuu Ruushka ku dilay, dekedda iyo dhismayaal kalana waxaa laga soo sheegay in burbur gaaray.

Odesa, waxaa muhiimada siinaya waa inay tahay magaalada kaliya ee ay ku taallo dekedda ugu muhiimsan ee badda madow, maalinta ay gacanta u gasho Ruushka, wuxuu noqonayaa dalka Ukraine dal aan muhiimad lahayn oo go’doon u gala Ruushka.

Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa dadaal ku bixinaya iyagoo nidaamkooda difaaca gaynaya inaysan magaalada gacanta u galin Ruushka oo laga filayo duulaan weyn oo uu ku qaado Ukraine bilaha soo socda, sida ay warbixinnadooda ku sheegeen sirdoonka Mareykanka iyo reer Yurub.

PUNTLAND POST