Roobab Khasaare u gaystay kaabayaash dhaqaalaha oo ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar

Roobab xoog leh oo xalay ka da’ay deegaanka Yaka-yaka ee gobolka Karkaar ayaa wax yeelo gaarsiiyey kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wadada laamiga ah ee isku xirt gobolada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer shaqo ku taggay deegaanka.

Mas’uuliyiinta oo kormeeray goobaha ay roobabku wax yeeleeyeen ayaa u kuur-galay xaalada dadka, deegaanka iyo dhibaatooyinka kale ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan wadada laamigga ah iyo buundooyinka.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka da’ay roobab lixaadleh lamana soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo sida meel qaar oo ay buundooyin jareen.

PUNTLAND POST