Madax dhaqameedka Bariga Burco oo baaq nabadeed kasoo saaray colaad ka taagan gobolka Sanaag

Madax dhaqameedka Beesha Habarjeclo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dil 28-ka bishii AprilĀ  ka dhacay deegaanka Laymadh ee gobolka Sanaag.

Deegaanka Laymadh ee gobolka Sanaag ayaa 28-kii bishaan lagu dilay labo marxuum oo ka soo jeeda SSSC-Khaatumo dilkaas oo ay gaysteen maleeshiyaad ka soo jeeday Somaliland.

Madax dhaqameedka ayaa beesha dhigooda ah ugu baaqay inay xaaladda dajiyaan iyagoo tacsi u diray ehelada marxuumiinta. Waxa ay sheegeen inay ka xun yihiin dilkaas islamarkaana ay ku jiraan sidii ay uga hawlgali lahaayeen.

“Wax kasta oo dil ah oo halkaas ka dhacay anagaa dhusha saaranay beesha naga soo horjeedana waxaan leenahay noo samra” ayey yiraahdeen madaxda dhaqameedka Habarjeclo.

Deegaanada xadka ah ee ay wadaagaan labada beelood ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay dilal soo laalaabtay kuwaas oo ay gaysanayeen maleeshiyo kasoo jeeda Somaliland, waxaana maalmihii u danbeeyey laga dareemayey deegaanka Laymadh xiisad colaadeed.

PUNTLAND POST