Jilaa Turki ah oo sameeyey dhacdo ka yaabisay dadka wadankiisa

Jilaa caan ah oo u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Çağlar Ertuğrul ayaa ku kacay ficil ka yaabiyay dadweynaha Turkiga iyo dadkii maqlay.

Jilaagaan ayaa iibsaday dhismaha iskuulkii hoose ee uu dhigan jiray kaddib dhismaha oo dhan ayuu dhulka ku daray isagoo sheegay inuu uga aargoosanayo jirdil ay iskuulkan macallimiintiisa kula kici jireen yarantiisa.

Ertuğrul oo hadda 37 jir ah ayaa bartiisa Instagram-ka oo ay ku xiran tahay 3.2 oo qof, wuxuu soo dhigay sawirka isagoo dhex taagan burburka dhismaha iskuulka ee uu dumiyay laakin wuxuu la kulmay falcelin badan oo dadweynaha uga timid.

Dadka ayaa ku dhaleeceyey inuu ku kacay ficil wax dumiyay ee aan waxtar iyo isbeddel lahayn wuxuuse isku muujiyay qof ku qanacsan waxa uu sameeyay oo u muuqda inuu iska siibay qodax muddo dheer ku taagnayd

PUNTLAND POST