Ra’iisul Wasaare Xamsa “ma aqbalayno in markale aan ku laabano doorashadii Teendhada”

Muqdisho, 30, Abriil 2024:- Ra’iisul dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay daahfurka geeddi socodka hirgelinta hannaanka dhab-u-heshiin qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Xamse ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii Teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

PUNTLAND POST