Garoowe oo biyo mareeno loo samaynayo

Waxaa maantay magaalada Garoowe laga daah-furey daraasad wax looga qabanayo maareynta biyo saarista magaalada Garoowe.

Daraasadaan oo horudhac ah ayaa ka hadlaysa sidii biyaha loo maareyn lahaa islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn lahaa si biyo aysan u fariisan xiliyadda roobka.

Daraasadda ayaa laga samayn doonaa 16 aag oo kamid ah 30 KM oo magaalada inta dhisan iyo dhinacyadeeda ah kuwaas oo ah aagagga ay daadku ka dhici karaan islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn karo, waxaana mashruucan maalgelinaya Bangiga Adduunka.

Daarasadda oo soo bilaamatay bishii Maarso ee sanadkii 2023 ayaa la soo gabagabaynayaa qaybta ugu horraysa ee daraasadda Sebtember 2024, xiligaas oo dhismaha biyo saarka la bilaabi doono.

PUNTLAND POST