Israa’iil oo soo bandhigtay heshiis laga gaaro dagaalka Qasa

Israa’iil ayaa markii u horreysay soo bandhigtay heshiis ay ku sheegtay inay furantahay in laga wada-hadlo joojinta dagaalka Qasa.

Soo jeedinta ayaa la sheegay in lagu aqbalay dalabaadka Xamaas oo ay ku jiraan in Falastiiniyiinta ka qaxday loo oggalaado si buuxda inay ugu laaban karaan waqooyiga Qasa iyo in sidoo kale ciidanka Israa’iil laga saaro isgoysyada isku xira marinka si uu u dhaco dhaqdhaqaaq xor ah, taasoo ku dhici karta in marka hore la sii daayo maxaabiista hab bani’aadanimo.

Lama sharrixin inay tan la xiriirto sii deynta maxaabiista wajahaya xaaladda caafimaad, dumarka iyo waayeelka.

Soo jeedintan oo noqonaysa middii u horreysa oo nooceeda ah oo ka imaanaysa Israa’iil tan iyo markii uu bilowday wada-hadallada ayaa la sheegay inay si wadajir ah usoo diyaariyeen kooxda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Masar kaddib markii wafdi ka socda sirdoonka Masar ay tageen Israa’iil.

Xamaas ayaa dhankeeda xaqiijisay inuu soo gaaray soo jeedin ka timid dhinaca Israa’iil, xilligaana ay ku jiraan daraaseyn iyo wada-tashiyo la xiriira, marka ay soo dhammeeyaana ay soo gudbin doonaan jawaabtooda.

PUNTLAND POST