Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo fashilmay iyo madaxda Dawlad goboleedyada oo deegaanadooda ku laabtay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dib ugu laabtay maanta Baydhabo, iyadoo lafilayo in Qoor-Qoorna dib ugu laabto Dhuusamareeb kadib markii uu qabsoomi waayey shirka madatasha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xassan Shiikh.

Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ayaa isku fahmi waayey galka doorashada oo madaxweyne Xassan Shiikh uu doonayo inaysan wax door ah ku yeelan halka dawlad gobaleedyadu ay doonayaan inay u madax banaanaadaan qabsashada doorashada.

Shirka madasha ayaa qabsoomi waayay xiligii loo qorsheeyey, maqnaanshaha dawlad gobaleedyada qaarkood, iyadoo xalay Madaxweyne Xassan Shiikh soo saaray in uu diyaar u yahay wada hadal uu lagalo Puntland.

PUNTLAND POST