“70 kamid ah ciidanka waxaa dilay cabtoy” Gen. Muumin Cabdi Shire

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay kulanka Bulshada iyo booliska oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in 70 ka tirsan ciidanka Puntland ay dileen kooxaha khamriga isticmaala.

“Labadii sano ee la soo 70 xubnood oo ka mid ah Ciidanka ayaa waxaa dilay cabtoy, waxaan hadda ka shaqaynaynaa inaan wax ka beddelno mushaharaadka ciidanka” ayuu yiri Gen. Mumin Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Taliye Muumin ayaa sheegay inay tayeyn iyo dib u habayn ku wadaan ciidanka Booliska Puntland islamarkaana ay ka shaqaynayaan sidii xuuqaadka ciidanka kor loogu qaadi lahaa.

PUNTLAND POST