Jabuuti oo caddaysay Mowqifkeeda Heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in aysan jirin wax ay kala socdeen qorshaha Madaxweyne Biixi uu ku saxiixay heshiiskii uu la galay Itoobiya.

Wasiir Ilyaas Muuse Dawaaleh ayaa caddeeyay in ay Somaliland iyadu u madax bannaantahay go’aamadeeda, wuxuuna intaa ku daray “Jabuuti mowqifkeeda wuu cadyahay midnimada Soomaaliya waa mid , siyaasadda marka ay joogtana ma wanaagsana khaa’in-nimada.”

“Dadka Somaliland waa dad aan walaal nahay oo xiriir wanaagsan aan la leenahay , canaantaas way u taalla Muuse Biixi, sida uu walaalkii u calool xaaran lahaana isagay mas’uuliyadaa saaran tahay.”

PUNTLAND POST