Madaxweynaha Turkiga oo booqasho naadir ah ku tegay dalka Ciraaq

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq halkaasi oo loogu sameeyay soo dhawayn diirran.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani.

Dhinaca kale hoggaamiye Erdogan oo xalay gaaray magaalada Erbil, oo ah caasimadda dawlad-gobolleedka Kurdiyiinta (KRG) ee waqooyiga Ciraaq, ayaa la kulmay Masoud Barzani, oo ahaa madaxweynihii hore ee Kurdiyiinta iyo hoggaamiyaha ugu caansan Kurdiyiinta ee raadinayay inay ka go’aan Ciraaq.

Safarka ayaa imanaya ayada oo ay aad u kacsan tahay xiisadda gobolka ee ka dhalatay dagaalka Israel iyo Xamas ee Marinka Gaza iyo weeraradii ay is-weydaarsadeen Israel iyo Iran.

PUNTLAND POST