Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.

Wasiirka ayaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira warbixin ka siiyay horumarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka.

Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada QM ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah Alshabaab, sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo taageerada saadka ee loo baahan yahay.

PUNTLAND POST