Saldhigyo Maraykanku ku leeyahay bariga Suuriya oo weeraro xooggan la kulmay

Labada saldhig ee ugu muhiimsan ee Mareykanku ku leeyahay bariga Suuriya ayaa saacad gudaheed dhowr weerar lagu qaaday, sida ay ku warrantay shabakada Al Mayadeen.

Saldhigga ciidanka Mareykanka ee Kharab al-Jir oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya , ayaa lagu qaaday mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee saldhigga uu la kulmayo.

Wararka ayaa sheegaya in saldhigga iyo hareerihiisa in ay ku dhaceen illaa shan gantaal oo ka mid ah tobannaan gantaal oo ay ku weerarreen kooxaha ay Iran taageerto ee waqooyiga Ciraaq.

Wararkii u horreyay ee warbaahinta ayaa sheegaya in weerarkaasi uu khasaare gaarsiiyay saldhigga.

PUNTLAND POST