Madaxweynaha Suuriya oo dhaliil xooggan u jeediyay dowladda Maraykanka

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Asad ayaa markii u horreysay daah-qaaday in uu kulamo la yeeshay marar badan saraakiil Mareykanka , si dib loogu hagaajiyo xiriirka Mareykanka oo ahaa dalkii u horreeyay ee cunaqabateynta saaray Bashaar, inta uu dalkaa ka socday bannaanbaxyadii looga soo horjeeday ee dhiiga badan uu ku daatay sannadkii 2011.

“Mar walba waxaa jirta rajo, xitaa marka aan ogaano inaysan jirin natiijooyin waa inaan isku daynaa,” ayuu yiri mar la weydiiyay suurtagalnimada in la hagaajiyo xiriirka reer galbeedka.

Laakin taa oo jirta , wuxuu Bashaar Al-Asad ku eedeyay Mareykanka in uu si sharci darro ah ku haysto qayb ka mid ah dhulka Suuriya , isagoo intaa ku daray inaysan jirin natiijo la gaaray oo ka soo baxay kulamada uu la yeeshay Mareykanka si dib loogu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay wariye Ruush ah oo ay baahisay wakaaladda wararka Suuriya ee Sana.

Suuriya arrimaha ay hadda isku khilaafsan yihiin Mareykanka waxaa ka mid ah;  taageerada Maraykanka ee is maamulka Kurdiyiinta ee  waqooyi-bari Suuriya,iyadoo ay  Dimishiq ku eedaysay maamulka Kurdiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan goobaha saliida Suuriya oo saldhigyo uu ka dhigtay Mareykanka , gooni-goosod iyo koox khaa’inul waddan ah , sababtoo ah xiriirkooda dhow ee Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkii hore Suuriya waxay ku soo noqotay ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo raadinaysa xiriirka wanaagsan oo ay la yeelato Khaliijka oo xulafo la ah Maraykanka.

Assad ayaa sidoo kale isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay waddamada kale, isagoo dhawaan booqasho rasmi ah ku tagay Shiinaha markii ugu horreysay muddo labaatan sanno ah. Beijing waxay muddo dheer siin jirtay Dimishiq taageerro diblomaasiyadeed, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay xubin joogto ah ka tahay.

PUNTLAND POST