Doon ganacsi oo markii u horraysay burburkii kadib ku soo xiratay dekedda Baraawe

Doon sidday shixnad ganacsi ayaa markii ugu horreysay muddo ka badan soddon sanno kusoo xiratay dekadda magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur-galbeed.

Doontan ayaa la sheegay in ay shixnada ka soo qaaday Dubai oo ay shan maalin ka soo socotay, markii u dambeysay ee doon shixnad sida ay ku soo xirato Baraawe waxay ahayd  xilligii dawladdii dhexe, sida u sheegay Wasiirka Dekedaha Koonfur-galbeed, Cali Afgooye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan dhawaan in ay bilaabaan dhismaha dekedda Baraawe islamarkaana qalabka loo isticmaalayo dhismaha uu toos uga soo degi doono dekedda.

PUNTLAND POST