Somaliland oo si weyn uga carootay dalalka G7 oo ku tilmaamay Gobol ka tirsan Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si xoog leh uga caraysan tahay war-saxaafadeed ka soo baxay dalalka G7 oo lagu sheegay in maamulkaasi yahay Gobol ka tirsan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri “Markaba horeba waxa Xukuumadda iyo shacabka Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay “inay tahay  gobol ka mid ah Soomaaliya.”

“In lagu tilmaamo Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya iyo in magacyo la iska abuurto,la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah” ayuu sii raaciyay qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale qoraalkaasi ku tiri “in Qarannimada Somaliland ay tahay lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana Xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.”

PUNTLAND POST