Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo maanta bilaabaysa kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo dhegeysiga kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto in uu xaaskiisa dilay.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in Maanta uu horgeeyo Sayid Cali Maxkamadda.

Xukmane Sayid-Cali oo lagu helay in uu gubay xaaskiisi oo uur lahayd ayaa waxa hore xukun dil toogasho ah ugu ridday maxkamadda Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST