Maraykanka oo maalgelinta iyo Tababarka ka joojinaya Netzah guutada Yehuda ee Ciidanka Israa’iil

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu soo warramayaa in uu joojinayo maalgelinta iyo tababarida Guutada 97-aad ee Netzah Yehuda ee Ciidanka Israa’iil.

Guutada Netzah Yehuda ee Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedaymaya xad-gudubyo ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo xasuuqa rayidka ee ay ka geysteen Daanta Galbeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken ayaa sidoo kale la filayaa in uu ku dhawaaqo Todobaadka soo socda cunaqabatayn ka dhan ah guutadaasi Netzah Yehuda.

Cunaqabataynta ayaa loo cuskanaya xasuuq iyo xad-gudubyo ka baxsan bini’aadanimada oo ay guutadaasi u gaysteen Falastiiniyiinta deggan Daanta Galbeed ee marinka Gaza oo ay ku jiraan muwaadiniin haysta dhalashada Maraykanka.

PUNTLAND POST