Saraakiisha Mareykanka oo ka walaacsan xiisadda sii kordhaysa ee Israa’iil iyo Iran

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaciyay in ay rumaysanyihiin Iran si dhaqso ah in ay uga jawaabi doonto weerar kasta oo Israa’iil ay ka gaysato bartilmaameedyada muhiimka ah ee gudaha Iran.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay dib u adeegsan doonto gantaalada Cruises-ka , Ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn , waxayna tilmaameen in ay adkaan karto in dib loo helo guushii laga gaaray ka hortaga weerarkii hore ee Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku celiyay in uu rajeynayo weerarka ay Israa’iil ugu jawaabayso Iran in uu noqdo mid xaddidan, kaddib markii ay soo baxday in ay Israa’iil isku dayayso weerarka ay ku jawaabayso inuu ka dhaco saldhigyada gudaha Iran, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka Sirdoonka ah.

PUNTLAND POST