Sacuudiga iyo Pakistan oo ku baaqay in xabbad-joojin deg deg ah laga hirgeliyo marinka Gaza

Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wadajira ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaaro dagaalka ka socda marinka Gaza.

Wasiirada arrimaha dibedda ee Pakistan iyo Sucuudiga oo shir jaraa’id oo wada jira ku qabtay magaalada Islamabad ayaa soo jeediyay in xabbad-joojin deg deg ah laga hirgeliyo marinka Gaza.

“Xaaladda ka taagan marinka Gaza maaha mid la aqbali karo.Tani waxay inna tusaysaa, sida uu u fashilmay nidaamkii caalamiga ahaa waa in hadda la sameeya heshiis xabbad joojin ah oo degdeg ah” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, ciidamada Israa’iil ayaa dagaalka Qaza ku dilay in ka badan 33,000 oo Falastiiniyiin ah halka ay macluul u dhimanayaan malaayiin kale kadib markii Israa’iil go’doomisay.

PUNTLAND POST