Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo cod u qaadaya in Falastiin loo aqoonsado dal madax-bannaan

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Arbaco ah la horgeynaya qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Carabta oo cod loogu qaadayo xubinimada Falastiin ee Qaramada Madoobey.

Qaraarka ayaa haddii loo codeeya Falastiin u aqoonsanaya dal madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, balse waxaa jira dareen ah in qaraarkaasi uu diiddayo Mareykanka ama xubnaha kale ee reer galbeedka.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay qaraarka inuu san caawinayn xalka labada dawladood ee uu taageersan yahay Mareykanka , laakiin ma aysan sheegin in Mareykanka uu diidi doono.

In ka badan kala bar waddamada caalamka ayaa taageersan in ay Falastiin noqoto dal madax bannaan , si meesha ay uga baxdo colaadda daba-dheeratay ee salka ku haysa aqoonsiga iyo dhulka Falastiin.

Halkan ka akhriso Qaraarka

PUNTLAND POST