Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Shir kaga qayb galaya Washington DC

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka

Wasiir Biixi iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galaya shirka xilliga gu’ga (Lix biloodlaha) ee Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale maanta kulan gaar ah la yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankaaasi gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xilliga deyn cafinta kadib sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

PUNTLAND POST