Israa’iil oo Masar ku cadaadinaysa in ay cod u raadiso Cambaareynta Iran

Israa’iil ayaa ku cadaadinaysa Masar in ay hoggaamiso codka waddamada Carabta , si ay u cambaareeyaan weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil ayaa u sheegay warbaahinta in uu la xiriiray dhiggiisa Masar , oo uu u sheegay xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

Saacado ka hor safaaradaha Israa’iil ayaa loo diray inay dadaal ku bixiyaan sidii loo heli lahaa codka caalamka ee cambaareynta weerarkii Iran.

Hadalkan ayaa sidoo kale  ku soo aaday waxyar kaddib markii Wasiirka difaaci iyo Wasiirka dagaalka Israa’iil ay labaduba sheegeen inay dhisayaan xulufo bariga dhexe oo heegan u noqota ka hortagga khataraha Iran.

PUNTLAND POST