Wararkii u danbeeyay ee weerarkii xalay Iran ku qaaday gudaha Israa’iil

Dowladda Iran ayaa xalay qaaday weerarkii ugu horreeyey oo ay ku bartilmaameedsanayso Israa’iil kaasi oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo.

Saraakiisha Ciidamada Iran ayaa laga soo xigtay inay saqdii dhexe ee xalay bilaabeen weeraro dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas lala bartilmaameedsanayo gudaha Israa’iil.

Iran ayaa sheegtay in weerarkani uu jawaab u yahay, weerarkii ay Israa’iil ku dishay saraakiil sarsare oo ka tirsan milateriga Iran, xilli ay ku sugnaayeen qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkaasi  ka hor intii aanay soo galin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkaasi.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarkii ugu dambeeyey.

PUNTLAND POST