Duullimaadyada Caalamiga ah oo ka baaqsaday Hawada dalka Iran

Diyaaradaha Air France iyo Austria Airlines ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen caasimadda Iran ee Tehran.

Hawada Iran ayaa sidoo kale faaruq ah markii diyaaradaha caalamiga ah ay joojiyeen adeegsigeeda, sababo la xiriira khatarta amni ee ka dhalan karta haddii Iran ay qaado weerarro aargoosi ah oo ay ku beegsanayso Israa’iil.

Waxaa kalo jira in dalalka reer galbeedka ay ku wargeliyeen muwaadiniintooda inay si deg deg ah uga soo baxaan Iran.

Xiisadda ka soo billaabatay hanjaabada Iran ee ay ku celcelisay in ay qaadi doonto weerarro aargoosi ah, hadda si yar ayay saameyn u gaarsiinaysa xasilloonida Iran.

PUNTLAND POST