Dowladda Iiraan oo la wareegtay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil

Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaasi.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Markabka Aries ayaa khadka maraakiibta caalamiga ah ee MSC uu ka kireysatay shirkadda Gortal Shipping, oo xiriir la leh Zodiac Maritime, sida ay Zodiac ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Zodiac Maritime ayaa waxaa qayb ahaan iska leh ganacsade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

PUNTLAND POST