Kenya oo riixaysa in Soomaaliya heshiis adeegsiga badda ah u saxiixdo Itoobiya

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Kenya , William Ruto uu la wadaagay Madaxweyne Xasan heshiis lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kenya ayaa soo gudbisay soo jeedin ku saabsan in Itoobiya uga faa’iideysato hab-ganacsi oo la wada oggalyahay badda Soomaaliya lana siiyo deked ganacsi oo ay wax kala soo degto.

Arrintaasi ayaa ka dhigan in dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay la fadhiisato Itoobiya si ay u gaaraan heshiis meesha ka saaraya khilaafka, una oggalaanaya Addis Ababa in ay uga faa’iideysato si xasilloon oo nabdoon badda.

Kenya ayaa caddeysay in ay qorshahasi kala tashanayso Jabuuti iyo waddamada IGAD, sida u Reuters u sheegay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Sing’oei.

Waxaa kalo uu sheegay in heshiiska uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee IGAD ay ku heli karaan dekeddo ganacsi.

Madaxweynaha Kenya , Ruto, ayaa sidoo kale ka dalbaday labada hoggaamiye , Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Abiy inay yeeshaan kulan fool-ka-fool ah.

PUNTLAND POST