Iran iyo Israa’iil oo loogu baaqay in ay xakameeyaan xiisadda u dhexaysa

Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.

Weerarkaas ayaa lagu dilay jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran.

Isaa’iil weli ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarkaasi balse dowladda Iran ayaa ku eedaysay dhanka Israa’iil.

PUNTLAND POST