Midowga Afrika oo Ciidamo cusub oo Nabad Ilaalin ah u diraya Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ka shiraya ciidamo cusub oo loo dirayo Soomaaliya , kuwaaso qeyb ka noqonaya howlgal cusub oo beddelaya ATMIS.

Wararka ayaa sheegaya in hadda la diyaarinayo dhaqaalaha , tirada ciidanka iyo waddamada ka mid noqonaya Hawlgalkaasi.

Golaha ammaanka ee Midowga Afrika ayaa toddobaadkan ansixiyay dalabka Soomaaliya oo ahaa in Midowga Afrika uu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo shaqada kala wareegi doona hawlgalka ATMIS.

Hawlgalka lagu magacaabo ATMIS ee hadda Midowga Afrika u qaabilsan Nabad Ilaalinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay guud ahaan dalka ka baxaan marka la gaaro bisha December ee sannadkan.

Ciidanka cusub ayaa la sheegay inay ka yaraan doonaan tirada ATMIS, waxay gacan siin doonaan ciidamada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale ilaalin doona xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

PUNTLAND POST