Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada,  waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

PUNTLAND POST