Khamenei oo ku hanjabay in Iran ciqaabi doonto Israel

Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo.

“Maamulka sharta ah wuu ku khaldamay arrintan, waa in la ciqaabaa, waana la ciqaabi doonaa,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu telefishinka ka jeediyay.

Khamenei waxa uu sheegay in weerarkii 1-dii April, kaas oo dhulka la simay dhismaha 5-ta dabaq ee qunsuliyadda Iran ee ku taalla caasimadda Suuriya, uu jebiyey heshiisyada caalamiga ah oo dhigaya in aan lagu xad-gudbin karin xarumaha diblomaasiyadda.

Khamenei ayaa saraakiisha Iran ku hogaamiyay ballamo is xigxigay oo ah in ay ka aargudan doonaan weerarkaas oo si weyn loogu eedeeyay dowladda Israel.

PUNTLAND POST