Israel oo wacad ku martay in ay qaadayso tallaabooyin ka dhan ah Turkiga

Dowladda Israel ayaa wacad ku martay in ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Turkiga kadib xayiraaddii ganacsi.

Israel ayaa ku eedaysay Turkiga in ay si hal dhinac ah u jebisay heshiisyada ganacsi ee ay la gashay Israel islamarkaana xayiraad ganacsi saartay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Israel Katz ayaa si xooggan ugu cambaareeyey madaxweyne Erdogan go’aankiisa

“Erdogan waxa uu u huray danta dhaqaale ee dadka Turkiga Xamas darteed,” ayuu Katz ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

“Israel iskuma dhiibi doonto rabshado iyo baad waxayna ka qaadi doontaa Turkiga tallaabooyin la mid ah kuwa ay qaaday” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

PUNTLAND POST