Dowladda Turkiga oo xayiraad ganacsi ku soo rogtay Israel

DowladdaTurkiga ayaa sheegtay in ay xayiraado ganacsi ku soo rogi doontay Israel sababa la xiriira dagaalka Gaza.

Xayiraadahaas ayaa waxaa ku jira badeecooyin kala duwan oo dalkaas uu u dhoofiyo Israel, oo ay ka mid yihiin shamiintada, birta iyo qalabka dhismaha.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii Turkiga uu sheegay in Israel ay xannibtay isku day ay ku doonaysay inay gargaar ugu daadiso Gaza.

“Go’aankan waxa uu sii jiri doonaa illaa ay Israel ku dhawaaqdo xabbad-joojin degdeg ah oo ay ogolaato in gargaar bini’aadannimo oo ku filan oo la geeyo Gaza” ayay tiri dowladda Turkiga.

Tallaabooyinka xayiraadaha ayaa waxaa saxiixay madaxweynaha dalkaasi Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

PUNTLAND POST