38 qof oo ku dhintay markab ku degay xeebaha dalka Jabuuti

Markab ay saarnaayeen muhaajiriin u dhalatay dalka Ethiopia ayaa Isniintii Todobaadkan ku qarraqmay xeebaha dalka Djibouti.

Markab degay waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof, sida ay baahisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka ee loo soo gaabiyo IOM.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey 22 qof oo ka mida dadkii markabkaas saarnaa.

Markabka ayaa ka baxay dalka Djibouti isaga oo u socday dalka Yemen, oo ah marinka ugu weyn ee ay sii maraan muhaajiriinta doonaya in ay gaaraan wadamada Khaliijka.

Marinkan ayaa ah mid aad u halis badan, oo muhajiriinta isticmaalayaa ay la kulmaan, in lacago badan laga qaado, la afduubo, xabsiyo la dhigo ama si khasaba loogu shaqaysto.

PUNTLAND POST