Madaxweyne Erdoğan iyo amiir Maxamed Bin Salmaan oo dadaal ku bixinaya dhaqan-gelinta Xabbad-joojintii Gaza

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa xalay yeeshay wada-hadal dhanka Taleefonka ah.

Labada hoggaamiye ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin lagu raadinayo midnimada dunidda muslimka ah si wadajir looga jawaabo caqabada horyaalla Islaamka.

Waxay sheegeen in ay rabaan in la sameeyo dadaallo dheeraad ah si loo soo afjaro weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin iyo in la fuliyo go’aanka xabbad-joojinta ee Golaha Ammaanka.

Wada-hadalkaasi ayaa ku soo aaday waxyar kaddib markii Turkiga uu shaaciyay in uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil oo is xig xiga, illaa xabbad-joojin ay ka dhacayso Qasa, si aan kala joogsi lahayna gargaarka loogu fasaxayo Qasa.

Wuxuu go’aankaasi ka dambeeyay markii Israa’iil ay diidday diyaaradaha Turkiga inay galaan hawada Qasa si ay gargaar ugu gaarsiiyaan hawada dadka la go’dooniyay ee Qasa.

PUNTLAND POST