Ciidamada Israa’iil oo sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan ururka Xisbullah

Taliska Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay in ay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan, waxayna intaas ku dareen, in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, in uu ka tirsanaa ciidamada lagu magcaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil.

Ururka Xisbullah ayaa dhankiisa xaqiijiyay dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixin.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerar ku dilay laba qof oo kale.

Weerarada u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza.

PUNTLAND POST