Aragtidayda Ku Saabsan Doodda iyo Garnaqsiga Xildhibaan Xaange

W.Q: Siyaad Cali Jaamac

Nayroobi (Ra’iyi) — Xildhibaan Cabdiqafaar Xaange, oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, waxaa uu warbaahinta u soo mariyay haldoorka, siyaasiyiinta iyo dowladda Puntland dood iyo garnaqsi isagoo sheegay inta badan xildhibaannada labada aqal metela dadka Puntland inay isku aragti yihiin siiba arimaha dastuurka.

Araar

Nadaamka federaalka madaama uu yahay laba lakab shacabka iyo dhulka Puntland waxay leeyihiin dastuur u gooni ah iyo mid ay la wadaagaan unmadda Soomaaliyeed, waxaana ku metela cidda ay u doorteen ama loo dooray waxayna ku meteli karaan wixii danta Puntland iyo Soomaaliyaba ay ku jirto horayna usii wadaya dowlad dhiska sida uu qabo dastuurka Puntland.
Aragtidayda falcelin waxaan u kala qaadayaa sadex qaybood.

Dood

Dooda Xildhibaanka wuxuu tiir uga dhigay in “khilaafka Villa Garowe iyo Villa Somalia uu yahay dan shaqsi ee aysan ahayn danta shacabka iyo dowladda Puntland”

Xildhibaan ama xildhibaanno maadaama aad meteshaan shacabka Puntland iyo Dowladooddaba maxaad u iman weyseen Puntland u hor fariisan weyseen dowladda, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka halka wakhtigan oo xero iyo fandhal kala dheceen hawada ku soo gudbinaysaan dood? Haddii dowladu idin diidi lahayd ama idin diido dadka ayaan idin diidi lahayn oo idinku taageeri lahaa wixii aad ku saxan tihiin, hadaad qaldan tihiinna waa laydin sixi lahaa.

Xildhibaan/xildhibaanno waxaad ku dooddeen in dhammaan xaquuqihii ay Puntland ula sinayd amaba uga sadka badnayd maamuladda kale in maamulka Puntlad uu diiday, dhamaan dhaqaalahaa xaniban madaama ay u dhibban yihiin bulshadda Puntland ha noqoto cafimaad, waxbarasho, reer-guuraa, shaqaale iyo adeeg bulsho. Hadday jirto in Maamulku diiday maxaad Ummadda aad mateshaan ula wadaagi weyseen si daahfuran leh idinkoo u imanaya madaama dhibkaani uu taagan yahay muddo dheer?

Waxaad ku doodday in shacabka Puntland la marin-habaabiyay, haddii aad og tihiin maxaad u iman weyseen oo aad dadka ugu digi weyseen inaan la marin- habaabin oo maxaad waxa aad shegaysaana miiska usoo saari weyseen maxaadse ula aamusnaydeen oo ula fadhideen Xamar?

Garnaqsi

Xildhibaan/ Xildhibaano gar waxaa la qaadaa marka geedkeeda la fadhiyo ee gogosha dhigta dhulkana imaada. (Xaajo meelaan lagu dhamaynayn laguma furfuro) xaalada taagan waa mid masiiri ah kana miisaan weyn war laysu mariyo baraha bulshada.

Xildhibaan waxaad tiri waxaan qaban doonaa doodahan iyo fariin gudbinba, sow ma fiicna inaad Puntland timaaddaan oo aad fagaarayaal kula kulantaan bulshada halka aad Xamar muuqaal kasoo duubaysaan hadaad hubtaan inaad saxan tihiin.

Sharciyad

Xildhibaan/Xildhibaano waxaad sheegteen in dastuurka wax ka beddelkiisa inuunan Puntland dhib ku ahayn siiba 4 qodob. Hadabba haddii dowladda Puntland ay diidday sow ma ahayn ka hor intaydan ku dhiiranin taageerista wax ka beddelka dastuurka sow ma habboonayn inaad timaaddaan Puntland si aad wadatashi ula yeelataan dadka iyo dowladda aad meteshaan si wax la isla ogolyahay ama loo batay aad u qaadataan diidmo ama aqbal?

Gunaanad

Xildhibaan/xildhibaanno idinka iyo maamulka Puntland waxaa idin saaran masuuliyad, wax kasta oo ka xumaada dadka idinka ayaa aduun iyo aakhiroba laydin su’aalayaa.

Si dadku u ogaadaan cidda aan danta Puntland wadin imaada oo dooddiina keena gudaha Puntland markaas baa waxgaradku sheegi doonaan cidda garleh iyo cidda danta dadka iyo dalka aan wadin.

W.Q: Siyaad Cali Jaamac