Wiil Soomaali ah oo Sweden loogu maxkamadaynayo dilka xaaskiisi oo caddaan ahayd

Nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa dalka Sweden maxkamad la soo taagi doona 10 bishan April, isagoo ku eedeysan in uu dilay xaaskiisa oo uur leh.

Dacwad oogayaasha Sweden ayaa sababta dilka loo geystay waxay la xiriiriyeen in ay salka ku hayso cadaadis dhanka dhaqanka iyo qoyska ah, maadaama xaaskiisku ahayd gabar caddaan ah oo Sweden u dhalatay.

Ninka ku eedeysay dilka oo lagu magacaabo Mohamed Amin Cabdirisaaq oo 22 jir ah ayaa warbixintu sheegtay inuu  ka walaacsanaa falcelinta uu qoyskiisa kala kulmayo ee xiriirka guurka ee Saga Forsgren Elneborg oo ah gabadha geeriyootay oo 20 jir ahayd.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase hadda soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

PUNTLAND POST