
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, ay xirtey labadii qunsuliyadood ee dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa kadib markii ay Itoobiya ku eedaysay fara gelin.
Go’aan ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Khamiista Maanta ah ayaa lagu sheegay in dowladdu oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waxaana amar lagu siiyay in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.
“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood” ayaa lagu yiri Go’aankaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah waxaana ay sheegtay in Diblomaasiyiinta Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya lagana qaadi doono tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.
Wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale la faray in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.
PUNTLAND POST