
Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 sano jir ayaa saaka aroortii hore si daran loogu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe.
Rag hubaysan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada ayaa aroornimadii hore guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday gabadha yar.
Falkan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha dhinaca bari ee magaalada Garoowe siday ay noo sheegeen goob-joogayaal.
Waxay sidoo kale sheegeen in gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladeeda caafimaad liidato loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe oo hadda lagu dabiibayo.
PUNTLAND POST