
Iska hor-imaad xooggan ayaa saaka ka socda degaanka Hursale oo ka tirsan degmada Caluula ee gobolka Raas Casayr.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkaasi dhexmarayo ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay iska hor-imaadka labada dhinac oo weli ka socda degaanka Hursale waxaana la soo sheegaya khasaare dhaawacyo ah.
PUNTLAND POST