Caasimadda Sacuudiga oo laga furayo dukaankii u horeeyay ee Khamriga iibiya

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa isku diyaarineysa in ay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga.

Dukaanka ayaa si gaar ah ugu adeegi doona diblomaasiyiinta aan muslimiinta aheyn sida ay laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudiga.

Macaamiisha ayaa iskadiiwaan-gelin doona mobile app, kadib waxay ogolaansho ka heli doonaan wasaaradda arrimaha dibedda, ayaga oo ixtiraami doona qoondada loogu talo-galay bishii inay iibsadaan.

Dukaanka cusub ayaa ku yaalla xeendaabka diblomaasiyadda ee Riyadh, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha iyo diblomaasiyiinta, waxaana si xooggan loogu xaddidi doonaa dadka aan muslimiinta aheyn kaliya.

PUNTLAND POST