
Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa xalay qabsaday kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamada oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xannibay isu socodka gaadiidka jidka laamiga dheer ee Gaalkacyo sida laga soo xigtay goob-joogayaal.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiid kala duwan ku xanniban yihiin kantaroolka dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xirteen ciidamada gadoodsan.
Ciidamada gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan xukuumadda Puntland si ay u banneeyaan kantaroolka islamarkaana u furaan jidka laamiga ah.
PUNTLAND POST