Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.
Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.
Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay uga hortagaan weeraro ka yimaada Xuutiyiinta Yemen.
PUNTLAND POST