
Guddoomiyihii guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa ka horyimid liiska cusub ee xildhibaannada Baarlamanka oo ay xalay shaaciyeen xubno kamid ah guddiga.
Guddoomiye Isxaaq Axmed Xasan oo saaka warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamanka laga soo qoray Madaxtooyada Puntland.
“Madaxtooyadu liis bay soo diyaarsatay shalay ayay noo yimaadeen waxay noo keeneen liis aanan garanayn 70% maahayn xitaa dad habraacii soo maray” ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.
Guddoomiye Isxaaq Axmed Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in muran xooggan hareeyay guddiga xallinta Khilaafaadka kadib markii ay isku khilaafeed shaacinta liiska laga soo gudbiyay Madaxtooyada.
Halkan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST